Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay daaha ka qaadaysa nooc cusub oo gaadiid gaashaaman oo badda ah kaas isaga is wada, markabkan loo yaqaano SIDA wuxuu yeelan doonta garaad maskaxeed macmal ah.
Doonta waxaa farsameeyay labo shirkadood oo Turki ah oo lagu kala magacaabo Ares Shipyard iyo Meteksan, bisha soo socota ayay howlgali doontaa sida qorshuhu yahay.
Khubarada gacanta ku haya farsamada markabkan cusub ayaa sheegay in bisha Maarso la tijaabin doono gentaalada ku rakiban markabkan isaga is- wada, sida uu sheegay maamulaha shirkadda Ares Shipyard Mr. Utku Alanc.
Markabkan ayaa la filayaa in door weyn uu ka ciyaari doono difaaca dhanka xeebaha badda Mediterranean oo Turkiga isku hayaan dalalka Giriiga iyo France.
Awooda markabka loo yaqaano SIDA
Markabka SIDA wuxuu dhererkiisu gaarayaa 400-kilometre- isagoo saacaddii jaraya masaafo dhan 65km. Waxaa ku xiran qalab isgaarsiin oo awood u siinaya in si isku mid ah u howlgalo habeen iyo maalin.
Markabkan waxaa loo farsameeyay qaab casri ah waxaa laga maamulayaa saldhigga barriga ama dhulka, waa gaadiid guur guura oo biyaha sabeynaya, sida maraakiibta waa weyn ee xambaara diyaaradaha.
Markabka SIDA waxaa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa howlgalada, badda, kuwa kooxaha burcadda dhanka ah, gelbinta gaadiidka badda, difaaca iyo ilaalinta xarumaha istiraatijiga ah, sirdoonka iyo arrimo kale.
“SIDA wuxuu leeyahay qalab electoronic ah oo dagaalka loo adeegsano. Sidoo kale wuxuu leeyahay qalab ku damin karo isgaarsiinta GPS loo yaqaano oo sheegta Meesha sheyga ama qofka uu joogo ,” Erdal Torun, oo ah madaxweyne ku xigeenka shirkadda qalabka difaaca soo saarta ee Keteksan ayaa sidaa yiri.
Markabkan waxaa ku rakiban gentaalada gudaha Turkiga lagu sameeyay oo lagu hagayo qalabka casriga ah ee Laserka ah sideed KM ayuu bartilmaameedkiisu ka beegsan karaa.
Ahmiyadda uu leeyahay Markabka SIDA
Markabkan isaga is-wada waxaa loogu talagalay in Turkiga ku ilaaliyo danahiisa badda Mediterranean oo xilligan Ankara ahmiyad weyn siiso.
Maamule Alanc ayaa SIDA ku sifeeyay hub aan caadi aheyn oo maraakiibta kale ka wanaagsan, mana jiro tusaale isaga oo kale ah oo maanta dunida yaala.
Waa awood militiri oo loo adeegsan karo khilaafaadka dhanka badaha isagoo lamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dhowaan Turkiga soo saaray oo UAV loo yaqaano oo kaga dagaal galay gudaha Suuriya.