Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Dawo iyo Qalab caafimaad gaarsiiyay Isbitalka Gaalkacyo+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Dawo iyo Qalab caafimaad gaarsiiyay Isbitalka Gaalkacyo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa ku wareejisay maamulka Isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug Dawooyin iyo qalab caafimaad waxana kulanka wareejinta goobjoog ka ahaa madaxda sare ee Isbitaalka iyo Mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada Galmudug iyo Wasaarada Caafimaadka.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Gaalkacyo Cabdi Maxamed Xirsi ayaa sheegay in Isbitaalka uu aad ugu baahnaa daawooyinka maanta lasoo gaarsiiyay isla markana u mahad celinayaan dowlada Galmudug isagoo intaasi ku daray in qalabka loogu adeegi doono shacabka Galmudug ee Gaalkacyo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug Maxamed Xasan ayaa dhankiisa halkaasi ka sheegay in dowlada Galmudug markasta hormarineyso isbitaalada Galmudug, isagoo sheegay inay dowlada Federaalka Soomaaliya soo gaarsiisay Wasaaradiisa Daawooyinka isla markaana dhankooda ku wareejiyeen goobaha Caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu daawooyinka iyo qalabka kale gaarsiin doono Isbitaalada kale ee ku yaala deegaanada Galmudug si halkaasi looga daboolo baahida dhanka Caafimaadka.

Si kastaba ha ahaatee, Dawooyin la gaarsiiyay Isbitaalka ugu weyn Gaalkacyo ayaa imaanaysa iyadoo Isbitaalka ay ka baxeen Hay’adihii Taakuleeyn jiray isla markana ay ku jiraan tiro dad ah oo ku dhaawacmay dagaalkii Gaalkacyo iyadoo dhanka kale uu Istibitaalka ka socdo Dayactirka kaddib markii uu saameyn ku yeeshay dagaalkii dhawaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

0fcfa381-c685-42df-a58b-0238b5d97762 113e3b7f-30cf-4928-b9f0-831f0dc137a0 9398361e-6833-4a42-be32-6f0e2376fa31 d86a8246-2c8a-4cfe-84f8-c09bfb60dfcb

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Munaasabad lagu xusayay dhalashadi Nabigeena Muxamad oo lagu qabtay Cadaado+Sawirro

Next Post
Munaasabad lagu xusayay dhalashadi Nabigeena Muxamad oo lagu qabtay Cadaado+Sawirro

Munaasabad lagu xusayay dhalashadi Nabigeena Muxamad oo lagu qabtay Cadaado+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In