Kulanka Guddiga Isku-duwidda heer dowlad gobaleed Galmudug ee Barnaamijka horumarinta dhaqaalaha loo-dhanyahay ee (ILED) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay ka qeybgaleen Ku-simaha Wasiirka Wasaaarada Qorsheynta Galmudug, Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Galmudug, Madaxa Xafiiska Xafiiska Hagida Mashaariicda Midowga Yurub ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka, Wasaaradaha qeybta ka ah mashruucan iyo hay’addaha fulinayo mashaariicda IlED.
Kullanka waxaa looga hadlay waxyaabaha ka qabsoomay mashruuca horumarinta ee dhaqaalaha loo-dhanyahay ee ILED, deeganada Galmudug, waxyaabaha la qabtay, Caqabadaha, iyo mashaariicda qorsheysan sannadkan 2022-ka in la hirgalayo, kuwaas oo waxtar u leh bulshada ku nool deegaannada Maamulka.
Wakiilada Hay’addaha qeybta ka ah mashruucan fulintiisa ee kala ah RAAISA, FAO, UNFPA, NIS iyo AECF ayaa soo bandhigay waxyaabaha ugu qabsoomay Mashriicda ILED, iyo mashariicda socda ee muhiimka ah.
Madaxa Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamed Daahir Faarax ayaa hoosta ka xariiqay in Mashruuca ILED sidii loo baahan u socda, isla markaana loo baahan yahay in lasii dar-dargaliyo si bulshada iyo Galmudug ugu faa’iideystaan Mashruucan oo taabanayo xoola dhaqatada, Kalluumaysiga, Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo dhismaha Awoodda hay’adaha dowlad gobaleedka.
Wasiiru dowlaha Galmudug Mudane Cumar Zaaki ayaa ku bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka iyo hay’adaha fulinayo Mashruuca, isagoo intaa ku daray in ka Galmudug ahaan diyaar u yihiin qaab walba oo uu Mashruuca u hirgeli lahaa, si wadajirna u xalin doono caqabadaha iyo farsamooyinka Shaqo.