Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection Coordination Meeting), kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Saalim Caliyow Ibroow, oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada ilaalinta bulshada iyo gaarista dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa ka qeyb-gashay shirka, iyadoo iftiimisay doorka hoggaanka Wasaaradda ku leeyahay horumarinta iyo isku-duwidda barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay horumarka iyo casharrada laga bartay barnaamijyada kala ah.

Child Sensitive Social Protection (CSSP), Baxnaano, SAGAL Project, USR iyo SPDS.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka ka jawaabista dhibaatooyinka degdegga ah (Shock Responsive Social Protection) iyo kor u qaadista isku-duwidda iyo wadaagista xogta.

Shirkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu dhisayo nidaam ilaalin bulsho oo waara, isla markaana gaaraya dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In