Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada Galmudug

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hoggaaminaya kooxda ololaha doorashada Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, saraakiil iyo hoggaanka dhalinyarada Galmudug.

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa Wasiir Al-Cadaala wuxuu masuuliyiinta iyo dhalinyarada la wadaagay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dardar-galinta doorashada Galmudug, isagoo ka codsaday inay codkooda siiyaan Urur Siyaasadeedka JSP.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in Musharax Liibaan Axmed Xasan uu yahay xilligaan qofka ugu haboon ee Galmudug hoggaan u noqon kara, maadaama uu si wanaagsan u garanayo baahiyaha ka jira deegaanka, isla markaana aqoonstiisa iyo kartidiisa uu Urur Siyaasadeedku ku soo xushay.

Dhankooda, Masuuliyiinta reer Galmudug iyo dhallinyarada ka soo qeyb gashay kulankaas ayaa si diiran u soo dhaweeyay codsiga Wasiir Al-Cadaala, iyagoo balanqaaday in ay si buuxda uga qayb qaadan doonaan doorashada, isla markaana ay codkooda sii doonaan Urur Siyaasadeedka JSP.

Galmudug waxaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada doorashada qofka iyo codka ah, taas oo la filayo in ay dhamaadka bishaan ka qabsoonto deegaanada Galmudug.

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida Wariye Maxamed Diiriye

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In