Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 month ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa kulan doceed kula yeelatay magaalada Islamabad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee dalka aan walaalaha nahay ee Pakistan, Ms. Rabiya Javeri Agha.

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqul insaanka. Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday khibrado iyo aragtiyo la xiriira doorka hay’adaha madaxa bannaan ee xuquuqul insaanka, dhismaha awoodda hay’adaha, iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.

Related posts

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan ayaa Wasiirka uga warbixisay horumarka ay guddigoodu ka gaareen hannaanka helidda aqoonsiga heerka “A”, kaas oo la siiyo Guddiyada Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka ee caalamka marka ay muujiyaan horumar muuqda oo la xiriira ilaalinta, horumarinta iyo gudashada waajibaadka xuquuqul insaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan ayaa ballanqaadday in ay dowladda Soomaaliya garab ku siin doonaan sidii aqoon-kororsi iyo khibrad-wadaag loogu sameyn lahaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanku dhowaan dhammaystirtay dhismihiisa.

Gabagabadii kulanka, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan ballanqaadka ku aaddan kobcinta awoodda, aqoonta iyo waaya-aragnimada Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijisay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradda iyo hannaanka shaqo ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan, si loo xoojiyo hay’adaha qaranka ee u xilsaaran ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.

Previous Post

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada Galmudug

Next Post

Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay shaqsiyaad ku eedaysan ku xadgudub dareyska Ciidanka Qaranka

Next Post
Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay shaqsiyaad ku eedaysan ku xadgudub dareyska Ciidanka Qaranka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay shaqsiyaad ku eedaysan ku xadgudub dareyska Ciidanka Qaranka

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In