Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Saalax Shariif Sayid Cali ayaa Kitaabo Qur’aanka kariimka ah ku wareejiyay maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle.
Wasiirka ayaa shegay in Maamulada koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ay maanta ka Daah-fureen qeybinta kitabada Qur’aanka oo gaarayo ilaa Shan iyo toban kun oo loogu talagalay in la geeyo Dugsiyada Qur’aanka iyo masaajidyada ku yaal muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka.
Waxa uu wasiirku timaamay in ujeedka qeybtinta kitaabadu ay tahay sidii ay wasaaraddu uga qeyb qaadan lahayd faa-finta Diinta islaamka,isagoo sheegay in kitaabadan la garsiin doono Goobihii khawaarijta laga xoreeyay ee baadiyaha si bulshada degaanada uga faa’ideystaan.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Hirshabeelle iyo koonfur galbeed ayaa dhankood ka mahadceliyay Kitaabada ay ku wareejisay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta DFS
” Kitaabada nalagu wareejiyay waxaa ay ka qeyb qaadanayaan faafinta diinta islaamka, waana ka mahadcelinay” sidaa waxa yiri wasiirradda Awqaafta Koofur galbeed iyo Hirshabeelle.