RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa maanta hortagay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo akhriyey akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Barakacayaasha (IDP Bill).
Wasiirku wuxuu xubnaha Aqalka Sare uga warbixiyey ujeeddooyinka iyo qodobada muhiimka ah ee hindise-sharciyeedka, isagoo xusay in uu yahay tallaabo weyn oo Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu qaadeen si loo wajaho caqabadaha la xiriira barakaca gudaha dalka.