Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Tatarstan

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Tatarstan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Tatarstan Rustam Minnikhanov oo ka tirsan Federaalka Ruushka ayaa kulan sagootin ah u sameeyay wufuud ka kala socotay dalalka Islaamka oo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu shir uga socday Caasimadda Kazan ee Tatarstan.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo shirkan Soomaaliya ku matalayay ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen horumarinta ciyaaraha gaar ahaan in tababarro la siiyo macalimiinta Soomaaliyeed ee xiriirrada kala duwan, waxaana wasiirka lagu sharfay inuu abaal-marin guddoonsiiyo qaar ka mid dhalinyarada dunida Islaamka ee wax ku soo kordhiyay bulshadooda.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, ayaa soo gabogabeeyay booqashada shaqo ee uu dalka Ruushka ku joogay, isagoo u mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Previous Post

NATO: Putin wuxuu diyaarinayaa inuu dheraado dagaalka Ukraine

Next Post

Dhalinyaro ka soo laabtay fikirka xagjirka oo tababar loo soo xiray

Next Post
Dhalinyaro ka soo laabtay fikirka xagjirka oo tababar loo soo xiray

Dhalinyaro ka soo laabtay fikirka xagjirka oo tababar loo soo xiray

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In