Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka howlaha guud oo lagu wareegayay qalab xafiiseed

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka howlaha guud oo lagu wareegayay qalab xafiiseed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qalabka maanta uu wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska xukuunadda Soomaaliya uu kala wareegay hay’ada SSG ( Strengthening of Somali Governance) ayaa ahaa qalab xafiiseed ee hay’adu ugu talo gashay in wasaaradda howlaheeda shaqo lagu hormariyo wasiirka iyo guud ahaan mas’uuliyiinta wasaaradda ayaana uga mahad naqay hay’adaan taageeradeeda.

ENG Saalax Sheikh Cismaan, oo ah  Wasiirka Howlaha guud dib udhiska iyo guriyeynta ayaa sheegay in qalabkaan uu wax badan oo faa.ido ah uleeyahay wasaaradda howlaheeda shaqo waxaana uu ku amaanay hay.ada Ssg taageerada ay siisay wasàaradda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Qalabkaan waa qalab xafiiseed dhameystiran wax badan oo faa’ido ah ayuu u leeyahay wasaaradda waxaan aad ugu mahad naqayaa hay’ada (Strengthening of Somali Governance) SSG oo runtii wasaaradda taageero la garab taagan kow ma ahan horana kumbuyiitaro 32 ah ayay noogu wareejisay” ayuu yiri wasiirka.

SHAUN MC NOLTY, Madaxa Hay’ada SSG ayaa isagu faah faahin ka bixiyay qalab xafiiseedkaan ay ku wareejiyeen madaxda wasaaradda howlaha guud waxaana dhankiisa wasaaradda uga mahad naqay in ay u ogolaatay in ay taageerto.

Eng Saalax, ayaa dhanka kale waxaa uu faah faahin ka bixiyay safar shaqo oo uu ku gaaray wadanka Maroco iyo shir halkaa uu uga soo qayb galay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamùud, ayaa dhawaan xariga ka jaray xarunta wakaaladda Hindisaha Soomaaliyeed oo si KMG ah ay ugu shaqeyneyso wasaaradda howlaha guud qalabkaan ayaana ah qalabka wasaaraddu ay ku howl gali doonto.

Previous Post

Madaxweynaha oo la kulmay mas’uul QM ka tirsan

Next Post

Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In