Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo Muqdisho lagu qabtay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doodaan oo socotay dhowrkii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay xubno ka socday hay’adaha garsoorka dalka, culima’udiin, ururada bulshada, iyo dhalinyaro waxaana laga dooday sameynta sharci u gaar ah carruurta.

Ka qayb galayaasha ayaa maalmihii ay kulan sanaayeen waxaa ay ka doodeen dhismaha maxkamad caruurta u gaar ah iyo sidoo kale sameynta sharciga cadaaladda Caruurta waxaana ay soo jeediyeen aragtiyo ka hadlaya fulinta fikradihii ka soo baxay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha ayaa xiritaanka ka sheegay in ay ahayd dood aad u qiima badan oo ay jeclaan lahaayeen in shuruucdaas sameynteeda la dardar galiyo.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Dr.Ismaaciil Jimcaale Calasow, oo soo xiray dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa uu sheegay in dalka oo dhan la gaarsiin doono ka doodista sharciga caalamiga ah ee carruurta ka dibna fikradaha bulshada lagu saleyn doono ansixintiisa.

“Waxaan idinkaga mahad celinayaa dooda iyo sida aad fikradaha usoo gudbiseen fikradihina waan aruuri doonaa inta wali aan la gaarina wasaaradda ayaa diyaar ula ah in goobahooda ay ugu geyso si ay uga doodaan” ayuu yiri Dr Jimcaale.

Previous Post

Wasiirka howlaha guud oo lagu wareegayay qalab xafiiseed

Next Post

Xuska 15 May oo lagu qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Xuska 15 May oo lagu qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Xuska 15 May oo lagu qabtay Baydhabo "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In