Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday oo lagu horumarinayay xirfadaha filim-sameynta, kaas oo ay ka faa’iideysteen filim-sameeyayaal Soomaaliyeed oo ka kala suga. Soomaaliya iyo Maraykanka.

Tababarka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Waaxda Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda Minneapolis (USA), Ururka Filim-sameeyayaasha Afrika (FEPACI), Somali Film Institute iyo Ururka Qalanjo ee Minneapolis (USA).

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Tababarka waxaa isku soo dubbariday Prof Cabduqaadir Axmed Buffalo oo ah aas aasaha Machadka Filimada Soomaaliyeed oo wadashaqeyn fiican la leh wasaaradda iyo Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku ammaanay hay’adaha soo qabanqaabiyey tababarka dadaalkooda ku aaddan horumarinta warshadaha filimada Soomaaliyeed iyo kobcinta xirfadaha hal-abuurka dhalinyarada. Wuxuu xusay in Wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta fanka, filimada iyo warshadaha hal-abuurka, maadaama ay door muhiim ah ka qaataan ilaalinta dhaqanka, kobcinta dhaqaalaha iyo soo bandhigista sumcadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyey ka qaybgalayaasha inay aqoonta ay kororsadeen u adeegsadaan soo saarista filimo tayo leh oo ka tarjumaya taariikhda, dhaqanka iyo horumarka Soomaaliya, isla markaana gaarsiin kara farriin wanaagsan bulshada gudaha iyo caalamkaba.

Previous Post

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Next Post

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Next Post
Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In