Wasiirka waxbarsha xukumada federalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan iyo safiirka dowladda Masar u fadhiyo Soomaaliya Ambasador Tamer Safwat ayaa maanta kormeeray dugsiga 15 may oo ay dhigtaan kuwaad 550 araday.
Safiirka masar u fadhiya Soomaaliya Tamer safwat. Elmahdy ayaa sheegay in arintani ay qeyb ka tahay mashruuc taageere oo ay siinayaan Dowladda Soomaaliya taas oo ah dhanka waxbarshada.
Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka C/raxmaan Daahir Cusmaan oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkaan uu yahay ogaanshaha sida ay shaqada u socoto sido kale waxa uu ku amaanay dowladda Masar garab istaageeda Soomaaliya ee dhanka waxbarashada .
Dowlada masar ayaa qeyb ka aha dowladaha ka taageera waxbashada Soomaaliya iyadoo haatan gacanta ku heyso goobo waxbarsho uu ku yaala gudaha Soomaaliya isla markaan ku caawiyo dadka aanan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha iskuulka.