Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 20, 2016
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 20 August 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo Qalinka ku duugay Sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka, Taliska Booliiska oo Hoggaanka Isgaarsiinta Booliska ka hirgeliyey Kismaayo, Ciidanka Danab oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyey deegaanka Sunguuni, Dowlada oo hirgelineysa Istraatejiyada ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda, Dowladda oo hirgelineysa Xeerka Dhaqanka ee Xalinta Khilaafaadka, Dood Cilmiyeed ku saabsan Soohdimaha Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhiga oo Ciidamada XDS tababar u soo xiray, Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga saaray deegaanka Luuq Jeelow, Suuq laga hirgeliey Degmada Warshiik iyo Madaxweynaha oo soo xiray Shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

May 14, 2025

Madaxweynaha oo Qalinka ku duugay Sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 14kii August 2016 si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka. Madaxweynaha oo munaasabaddan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado. Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha iyo sidii uu waajibaadkiisa u gudan lahaa.

Taliska Booliiska oo Hoggaanka Isgaarsiinta Booliska ka hirgeliyey Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 16kii August 2016 ka hirgeliyey Kismaayo hogaanka Isgaarsiinta Booliska ee Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland iyo taliyaha ayaa booqday qaybta isgaarsiinta ciidamada booliska, iyadoo madaxweynahu uu si toos ah ula hadlay saldhigyada ciidamada booliska ee Muqdisho, Baladweyne, Jowhar, Carmo iyo Baydhabo isagoo ka xog waraystay xaaladaha guud ee magaalooyinkaas. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sarakiisha ku sugnaa saldhigyada kala duwan ee Soomaaliya uu kula dardaarmay in ay laba jibaaran hawlaha Qaran ee ay hayaan isla markana ay ku dadaalan sidii qalabka ay isticmaalayaan uu u noqon lahaa mid xafidan oo aan cadawga u gudbin.

Ciidanka Danab oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyey deegaanka Sunguuni

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Sunguuni ee gobolka Jubadda dhexe, waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo Isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Deegaanka Sunguuni ayaa ah, mid istiratiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba. Sidoo kale howgalka laga sameeyey degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda Hargeysa Yareey ayaa lagu gubay gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al Shabaab. Howlgalladan oo ahaa mid is dhaba joog ah ayaa laga sameeyay degmadda Saakow oo saldhig weyn u ah cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Dowlada oo hirgelineysa Istraatejiyada ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa 15 August 2016 magaalada Naiarobi ee xarrunta Wadanka Kenya waxa uu ka furay shir looga hadlayay istiraatijiyadda ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda dalkeena Soomaaliya iyo sida loo difaaci karo kheyraadka dalka. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada ka jira dalka, deeq bixiyeyaasha caalamka, QM, iyo urruro caalami ah, waxaana soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD. Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambasaddor, Jamaal Maxamed Xasan.

Dowladda oo hirgelineysa Xeerka Dhaqanka ee Xalinta Khilaafaadka

Wasaaradda Cadaaladda Xukuummada Federaalka Soomaaliya ayaa 15kii August 2016 Muqdisho ku qabatay kulan Ujeedkiisu yahay ansaxinta xeerka dhaqanka ee xalinta khilaafaadka oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka, culimada iyo wakiilo ka kala socday gobolada. Xeerkaan ayaa ah mid muhiimad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed oo iyadu waqtigii dheeraa ee bur burku dalka ka jiray xeer dhaqankaan lagu kala xukminayay. Wasaaradda Cadaalada ayaana sheegtay in xeerkan oo la meel-mariyaa uu wax badan muhiimad ugu yahay bulshada.

Dood Cilmiyeed ku saabsan Soohdimaha Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtay Muqdisho

Dood cilmiyeedk ku saabsan soohdimaha dowlad goboleedyada iyo federaaleynta dalka ayaa 15kii August 2016 lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana soo qaban qaabiyey Gudiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. Waxaa ka qeyb galay doodan xubno matalaya ururada bulshada rayidka ah, culuma’udiin, masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo xubnaha Gudiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo federaalka. Ujeedka dood cilmiyeedkan ayaa ahaa in la helo talo bixin ku aadan wadada loo marayo in la kala cadeeyo soohdimaha ay kala leeyihiin dowlad goboleedyada dalka, iyo sidii bulshada loo fahamsiin lahaa arintaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga oo Ciidamada XDS tababar u soo xiray

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa 13kii August tababar ugu soo xirey xerada Gen. Dhegabadan Ex Jazeera Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jirey Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidamadda Booliska Dableyda iyo Injineero, waxaana uu tababarku soconayay muddo 5 bilood ah, kaas oo ay bixinayeen Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub. Waxyaabaha tababarkan lagu siiyey ciidamada ayaa waxaa ka mid ah sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka, marka ay tagaan goobaha laga saaro Al-Shabaab, loona dul-qaato shacabka. Wasiir Diini wuxuu kula dardaarmay ciidamadii tababarka loo soo xiray inay isku diyaariyaan difaaca sharafta iyo madaxbannaanida dalka, taasoo uu sheegay inay tahay midda loo tababaray. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Hoggaanka Tababarka Ciidamadda Xoogga dalka S/G C/laahi Cali Caanood, Taliye ku xigeenka Ciidamadda AMISOM iyo saraakiisha Midowga Yurub ee tababara Ciidamadda Xoogga dalka.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga saaray deegaanka Luuq Jeelow

Dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Luuq jeeloow ee gobolka Hiiraan, waxeyna dadka deegaanku ku guuleeysteen 13kii August 2016 in ay Shabaab ka saaraan halkaasi, ayna ku dileen horjooge caan ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali “Dhegaweyne”. Jeneraal Cumar Aadan Xasan “Cumar dheere” oo ka tirsan saraakiisha ciidanka XDS ayaa sheegay in dagaalkaasi oo soo socday labo cisho, isagoo tilmaamay in dadka deegaanku ay ku guuleeysteen iney Shabaab ka saaraan deegaanka Luuq Jeeloow oo 20-km dhanka galbeed kaga toosan magaalada Beledweyne.

Suuq laga hirgeliey Degmada Warshiik

Gudoomiyaha degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe ayaa 17kii August 2016 xarigga ka jaray suuq laga hirgeliyay magaalada Warshiikh. Munaasabaddi lagu furayay suuqaasi waxaa goob joog ka ahaa qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka degmada iyo saraakiil ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Warshiikh. Qarashka ku baxay dhismaha suuqan waxaa gacan weyn ka geystay Hay’ada DRC ee dalka Denmark. Gudoomiyaha degmada Warshiikh Axmed Xuseen (Shiidka) ayaa sheegay in dhismaha suuqan uu qeyb ka yahay mashaariic kala duwan oo DRC ay ka fulineyso tuulooyinka hoostaga degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.

Madaxweynaha oo soo xiray Shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed

Golaha Qurbojoogta Soomaaliyeed ayaa ku qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho shir caalami ah 13 – 15 ka August 2016. Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno door muhiim ah ku dhex leh bulshadda Soomaaliyeed ee Qurbajoogta iyo kuwa dalka gudahiisa ku nool, Xubno ka socday dowladda, iyo shirkaddaha ganacsiga gaarka loo leeyahay. Shirka ayaa looga hadlay mawduucyo badan oo kala duwan, waxaana ka hadlay bahwadaagta Qurbajoogta. Shirka ayaa waxaa furay Mudane, Dr. Abdusaalam Hadliye Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Abdiraxmaan Ceynte iyo Ergeyga Gaar ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Micheal Keating, waxaana soo xiray Madaxweynaha DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray WarMurtiyeed.

DHAMAAD

weekly weekly1 weekly5 weekly8 weekly9 weekly7

Previous Post

Wafdi ka socda Wasaarada Qorsheenta DFS iyo qaar ka mida Maamul goboleedyada oo gaaray Rwanda + (sawiro)

Next Post

Gudiga Federaalka ee Hirgelinta doorashooyinka oo la kulmay ururrada Bulshada

Next Post
Gudiga Federaalka ee Hirgelinta doorashooyinka oo la kulmay ururrada Bulshada

Gudiga Federaalka ee Hirgelinta doorashooyinka oo la kulmay ururrada Bulshada

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada...

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

May 14, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu qiimeynayo muuqaalka guud ee...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In