Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda khawaarijta oo xiligaani wajaheyso bur bur iyo kala carar kadib markii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay uga adkaadeen dagaalada ka socda guud ahaan dalka,waxa ayna taa sababtay in horjoogayaashoodii ugu Sar sareeysay iyo maleeshiyaadkooda isku soo dhiibaan ciidamda dowladda iyo dadka degaanka.

Horjoogayaal badan oo ka tirsan khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka kadib markii ay ogadeen waxa ay ku jiraan in ay yihiin baadil iyo diin la’aan ,islamarkaana ay ka faa’ideysteen fursadii madaxda qaranka ee ahayd in ay isku soo dhiibaa dowladda lana siin doonno nolol ka wanaagsan tan ay ku noolyihiin.

Related posts

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025

Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socday ayaa dhawaan  isku dhiibay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee ku sugan bariga Gobolka Galgaduud gaar ahaan degaanno hoos taga degmada Baxdo halkaa oo mudda dhibaata Ku hayeen dadka shacabka ah.

Waxaa uu kamid ahaa horjoogahaani kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.

Horjooge Xasan  (Jabal) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in si wanaagsan ula dhaqmeeyn ciidamada dowladda,waxa uu ugu baaqay maleeshiyaadka ka sii midka ah wali khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda oo ay ka soo baxaan fikirka qaldan ee looga been sheegay diinta Islaamka.

“Wax dhib ah oo aan la kulamay ma jirto waxa  aan la jogaa walaalaheyga soomaaliyeed,xubnaha kale wali jira dhanka khawaarijta waxa aan ugu baaqayaa in ay ka soo baxaan oo ay isku soo dhiibaan dowladda,waxa ay hayaan waa ka been sheegida diinta Islaamka” ayuu yiri horjooge Xasan Jabal

Dhalinyarada kale ee ay qaldeen khawaarijta ee isku soo dhiibay ciidamda dowlada ayaa dhankooda ka shekeeyay waxyaabihii ay la kulmeyn inta ay ku jireen wadadii baadida ahaayd iyo ficilladii garacnaa ee bulshadooda ay ku dhibateen jireen.

“Kuwa duurka ku jiraa wali waxaan leenahnay isku soo dhiiba ciidamada dowladda iyo dadka degaanka,wana ka mahad celineynaa si wanagsan ee naloola dhaqmay culimada degmad Baxdo” sidaa ayay dhaheen qaar kamid ah dhalinyaradii isa soo dhiibtay.

Sidoo kale sheek Muuse oo kamid ah Culimada degmada Baxdo ayaa dhankiisa  sheegay in fursadda kaliya ee khawaarijtu heysato ay tahay in ay isku soo dhiibaan ciidamda qaranka iyo kuwa degaanka.

“Al-shabaab naftooda ayay Halaagayaan,cadaab ayay shaqeysanayaan,adduunkana hoog iyo bur bur,nimanka ka soo baxayna waan u mahadcelineynaa Sid ay u garteen in waxa ay ku jireen ay diin la’aan ahayd” ayuu yiri Sheekh Muuse

Ciidmada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa guul is daba joog ah ka gaarayo dagaalada lagula jiro khawaarijta iyo degaanno dhowr ah laga saaray,taa oo ku qasabatay horjoogayaasha iyo Maleeshiyada khawaarijta in ay isku soo dhiibaan ciidmada dowladda iyo dadka degaanka si ay naftooda u bad-baadsadaan.

Madaxda Qaranka ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada la qalday ee ku jira khawaarijta in ay ka soo baxaan dowladuna ay si wanaagsan ula dhaqmi doonto,waxan xiligaa wixii ka danbeeyay isa soo dhiibay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa khawaarijta.

Waxa muuqato in uu dhammaan rabo wayihii khawaarijta oo mudda 15-sanno ka badan dhibaata ku hayay ummadda Soomaaliyeed,kuwaa oo ka been sheegay diinteenna suuban ee Islmaaka,Ficillada gurracan ee mudda ku dhibteen jireen shacabka soomaaliyeed ayay soo dadajisay in ay kacaan bulshada ku nool gobolada dalka kuwaa oo qaatay hubka islamarkana go’aansaday in ay iska dhiciyaan khawaarijta arxanka daran ee u diiday in ay u nolaadan sida asagooda oo kale,taa oo surta galisay in laga saaro degaanno farabadan khawarijtu aysan mudda ku ladin in laga qabsan doonno balsa geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ugu daateen fariisimahooda lagana saaray degaanno dhowr ah.

Previous Post

Akhriso: Warbixinta todobaad-laha ah ee waxqabadka dowladda Soomaaliya

Next Post

Maalinta Haweenka Adduunka oo laga xusayo Caalamka

Next Post
Maalinta Haweenka Adduunka oo laga xusayo Caalamka

Maalinta Haweenka Adduunka oo laga xusayo Caalamka

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In