Hay’adda samafalka ee KAASHIF ayaa maanta xoolo nool u qaybisay qoysas dan yar ah oo ku nool tuulooyinka Buulo Sheekh iyo Xaanshooley ee ka tirsan degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dadka ka faa’iideystay xoolo qeybinta ayaa iskugu jiray dad da’ah, haween iyo qoysas sabool ah kuwaasoo ka mid ahaa dadka barakacayaasha ee dhowaan dib ugu soo laabtay deegaanadoodii kadib fatahaado saameyn u yeeshay.
Xoolaha nool ee loo qeybiyay qoysaskan ayaa waxa ay gaarayeen 500 neef oo ari cad ah iyadoo siiyay qoys walba 5 neef oo ari ah. Qoysaska la gaarsiiyay deeqdan oo gaarayay 100 qoys ayaa qoys walba la siiyay afar nee foo dheddig ah iyo neef lab ah.
Munasabadii xoolaha lagu qeybinaayay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiye ku xigeennka maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin,maamulka iyo odayaasha tuuloyinka Xaashooley iyo xaafada Buulo Shiiq ee degmada Jowhar iyo shaqaalaha hay’adaha KAASHIF Development Initiatives iyo IOM.
Qoysaska la siiyay xoolahan ayaa waxay ka mid yihiin 400 qoys oo ka faa’idasanaysay mashruucaan oo ay iska kaashanayaa Hay’adaha IOM iyo KAASHIF Development Initiatives iyadoo ay maalgelinayso Dowladda Japan.
Mashruucan ayaa ka kooban xoolo qeybin, abuur iyo qalabka beeraha lagu fasho, dayactir kanaalada waraabka qaab lacag shaqo ku bedelasho ah, maalgelin ganacsi yar yar, iyo tababaro la xiriira ka hortaga iyo maareynta fatahaada.
Dadka maanta xoolaha loo qeybshay ayaa uga mahad celiyey hay’adda iska kaashaday deeqdan iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe.