Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Sawirro”Shir looga hadlay maamul u sameynta gobollada dhexe oo Muqdisho ka dhacay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
“Sawirro”Shir looga hadlay maamul u sameynta gobollada dhexe oo Muqdisho ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen haween Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii bulshada kasoo jeeda deegaankaasi ay qeyb uga qaadan lahaayeen dardar gelinta maamul u sameynta gobollada dhexe oo meel wanaagsan mareysa waxaana kaqeybgalay mas,uuliyiin ka socotay qeybaha bulshada.

Kulan ayaa waxaa mas,uuliyiintii ka hadashay ay muujiyeen sida loogu baahanyahay maamul ay yeeshaan gobollada Mudug iyo Galguduud si horumarin loogu sameeyo deegaanka islamarkaana ay qeyb uga noqdaan nidaamka federaaleyta ee dalka lagu baahinayo.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025

Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in gobollada dhexe ay yihiin gobollada mudan inay qeyb ka noqodaan maamul goboleedyada kajira dalka iyadoo ugu baaqday dadka kasoo jeeda deegaanadaasi inay u guntadaan sidii maamulkaasi cagihiisa isugu taagi lahaa.

Gudoomiyihii hore ee degmada X.jajab Maxamed Cali Axmed oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku amaanay dowladda federaalka sida wanaagsan ee ay u qorsheyneyso maamulka halkaasi loo dhisayo gaar ahaan mas,uuiyiintii abaabulay shirka gogol dhiga u ah shiraraka soo socda ee dib u heshiisiinta isagoo si gaar ah u tilmaamay xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi oo kasoo sooshqeysay in degmada Dhuusamareeb ay marti geliso shirka dib u heshiisiita.

Dhinaca kale gudoomiye Maxamed Cali Axmed ayaa ugu baaqay gudiga maamul u sameynta gobollada dhexe inay deg deg u tagaan degmada Cadaado ee gobolka Galguduud si uu uga furmo shirka maamul u sameynta ee ay dowladdu iclaamisay.

7 8
13 14

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Doha Qadar halkaa oo sidiiran loogu soo dhaweeyay

Next Post

dadkii ku dhaawacmay Shil ka dhacay Degaanka Xaawa Cabdi oo Isbitaalka Madiina la geeyay

Next Post
Tahriibayaal Soomaaliya ah oo ku dhintay shir baabuur

dadkii ku dhaawacmay Shil ka dhacay Degaanka Xaawa Cabdi oo Isbitaalka Madiina la geeyay

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In