Munaasabadan oo aheyd mid loogu dabaal dagayey xuska maalinta caalamiga ah e xuquuqul insaanka oo ay qabatay Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul aadanaha Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaaradda haweenka, masโuuliyiin ka socotay mamulka Galmudug iyo marti sharaf kale taas oo lagu qabtay manta magaalada Muqdisho.
Sacdiyo Maxamed Nuur agaasimaha waaxda jinsiga ee wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixisay muhiimada dhowrista xuquuqul aadanaha, iyadoo sheegtay in wasaaradda wax badan ka qabatay ilaalinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la dhowro xuquuqda baniโaadmiga si ay u yaraato dhibaatooyinka ka dhasha dhowris laโaanta xuquuqul insaanka, waxeyna ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in ay fahmaan muhiimada ay leedahay xuquuqul insaanka.
Maanta oo kale tobanka bisha laba iyo tobnaad sanadkii1948ki ayey aheyd markii loo asteeyey maalinta caalamiga ah ee xaquuqul aadanaha iyado si isku mid ah looga xusayo dhamaan wadamada caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...


































