Madxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sooo xirey shir looga hadalyay hanaanka qaran ee dowladaha hoose kaasoo muddo Sadex maalmood ah ka socdey magalada Muqdisho, Iyadoo Madaxweynaha dhankale kalena uu ka Hadley dagaalka puntlnad ay kula jirto argagixisada Shabaab.
Shirkan uu soo xeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay so qaban qaabisay wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa Maalmihi uu socday waxa diiradda Lagu saaray Horumarinta Dowladaha Hoose waxaana lagu soo bandhigay Barnaamij loogu Magacdaray Wadajir.
Intii uu socday Shirkan wax ka qeyb galay wafuud ka socotay Dowlad Gobleedyada iyo Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaardfa Arimaha Gudaha Prof. Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Gundhigga shirkan uu ahaa yagleelidda Dowlado hoose oo Awood leh.
“Waxa Gundhigga Barnaamijkan uu ahaa in la helo Hanaan Qaran oo lagu Yagleelayo Dowladda Hoose oo loo dhan yahay kaasoo waafaqsan Dastuurka ku meel gaarka ee dalka” ayuu yiri Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaardfa Arimaha Gudaha Prof. Yaxye Cali Ibraahim.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ismaaciil Macali Guure Wasiirka Arimaha Gudaha ee Galmudug Jaamac Xasan Salaad iyo wasiirka arimaha Gudaha Koofur galbeed Cabdiraxmaan aadan Ibraahi ayaa ka hadlay Ahmiyadda uu laha shirkan, iyagoo ku tilmaamay shirkan mid loo baahnaa.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka hadlay meelaha uu taabanayo Barnamijkan ayaa yiri, “Qorshahaasi waxa uu isagu jiri doonaa maamul Dhisidda Dib u heshiisiinta Nabad Dhisadda wada hadalka Bulshada iyo wacyi gelinta, mashaariicda NGO-yada iyo Hay’adaha caalamiga ah, waxa uu siinaya Qorshe ay raacaan waxa uuna taageeraya in dowlad Goboleedkasta dagmada kasta in lala socda waxa ka socda iyo sida ay u socdaan”
Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” waxa uu tilmaamay in barnaamijka wadajir haddii la hirgaliyo uu xoojinayo Dowladnimada.
“Barnaamijkan wadajir waa mid aad iyo aad u fiican wa xaqiijinta Dowladnimada haddii la hirgaliyo wuxu fududeeynayaa in dadka la gaarsiiyo dowladda ilaa heer Tuulo iyo dagmo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”
Madaxweyne Xasan Shiiq oo soo xiray Shirka hanaanka Qaran ee Dowladaha Hoose ayaa tilmaamaay in dhismaha Horumarka dalka uu ku xiranyahay Dowlad Hoose oo Xoogan.
“Hadaan dalka Horumarinayno waa inaan xoogga saarna Horumarinta Dowladaha Hoose maaha kaliya inaan magaca ka dhisno waa inaan dadka ka dhisna dadka Soomaaliyeed waxaan ugu dardaarmaya inay doortaan dadka kuwa ugu fiican maaha kaliya qofkii ugu xooggan laakin waa in la doortaa kuwa ugu aqoonta badan ugu amaanada fiican bulshada” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale qudbadiisa uga hadlay Dagaalka Ciidamadda Dowlad Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ay kula jiraan Argagaxisada Shabaab.
“Dagaalka ka socda Garmaal iyo deegaannada Puntland wan ku Garabtaaaganahay Bulsha iyo dowlada Puntland” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka isagoo dagdag ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in loogu Gurmado dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.