Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo federaalka Cabdirashiid Maxamed “Xiddig” ayaa maanta kormeeray , Xabsiga dhaxe ee Xamar , isagoo ย indha indheeyay xaalada maxaabiista ku hirta xabsigaasi.
Wasiiru dowlaha arimaha Gudaha, oo ay wehliyeen ,Taliyahaย ciidanka asluubta ย Somaaliyeed , Gudoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir iyo mas’uulayin kale ayaa ย ku soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay xabsiga iyagoo la qadeeyay maxaabiista .
Taliyaha Ciidanka asluubta Somaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Maxmaed Jaamac, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegayย inuu ku faraxsanyahay ย booqashada ay mas’uuliyiintaasi ku tageen xabsiga, isgoo balan qaaday in wax walbo uu xaq u leeyahayย maxbuuska ay xil iska saarayaan.
“mudnae Wasiir sharaf ayeey noo tahay inaan maanta na soo booqatiin ย lana qadeeysaan dhalinyrada sida ay wax u cunayaan waxayna xaq u leeyahiin iney helaan waxbarasho madadaalo waxaana balan qaadaynaa inaan joogteeynoย barnaamijyadaasiโ ayuu yiri Jeneraal Bashiir.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir “Baarqab”ayaa ugu baaqday ummadda Soomaaliyed, iney ka qeyb qaaatanย horumarka maxaabiista ย ku xiran xabsiga dhaxe ,ee Xamar,
Wasiiru Dowlaha Arimaha Guddaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaaliyeed Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig.ayaaย dhalinyaradda ku xirin xabsiga dhaxe Xamar ugu baaqay in ay u hogaasamaan sharciga, dalka.
Majaajiliistaha Habbi Qaliif ayaa maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe u jilay sheekooyin qosol badan oo ay aad ugu riyaaqeen.
Sawir-qaade Farxaan Suleymaan Daahir “Masgaro”














































