Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

R/wasaaraha Soomaaliya mudane, Cumar C/rashiid  ayaa magaalada Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

R/wasaaraha Ethiopia ayaa kulanka kaddib sheegay in xukuumaddiisu ay dalka Soomaaliya ka taageerayso sidii dib loogu dhisi lahaa awoodda ciidanka XDS si ay u sugaan ammaanka guud ee dalka.
Sidoo kale Hailemariam ayaa xusay in Ethiopia ay ka go’an tahay inay ka caawiso Soomaaliya wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.
“Inkastoo ciidamadeena qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ee Soomaalia, ay ka shaqeeyeen sidii Ammaanka loo xoojin lahaa, haddana waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso ciidamada Soomaaliya si ay amniga Waddankooda u xaqiijiyaan,” ayuu yiri Hailemariam Desalegn..
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Ethiopia kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka Al-shabaab.
“Dowladda Ethiopia waxay gacan ka geysanaysaa sidii Soomaaliya ay u xasili lahayd, waana mid aan ku ammanayno kaalintooda muuqata,” ayuu yiri R/wasaare Sharma’arke.
Previous Post

Saraakiil ka tirsan Booliiska Mareykanka oo la dilay+Sawirro

Next Post

Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM

Next Post
Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM

Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In