Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliye ee Kenya oo dhar u qeybisay maxaabiis laga sii daayay xabsi ku yaalla Nairobi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliye ee Kenya oo dhar u qeybisay maxaabiis laga sii daayay xabsi ku yaalla Nairobi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qunsulka saafaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) ayaa maanta deeq dhar ah gaarsiiyay Maxabiis Soomaaliyeed oo dhamaystay xukunno 7 sano oo xabsi ah.

Maxaabiistan oo tiradoodu ay gaarayso 7 dhalinyaro Soomaali ah ayaa ku jira xabsiga Kimiti ee magaalada Nairobi, waxaana lagu soo eedeeyay falal burcad-badeednimo ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Qaar kamid ah maxaabiista oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka mahadceliyay deeqda dharka ah ee uu soo gaarsiiyay qunuslka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi), waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in mar kale xurriyadooda ay dib u heleen 8-da bishan August.

“Waan ku faraxsanahay deeqda dharka ah oo uu na soo gaarsiiyay qunsulkeena Cali Sheekh, sidoo kale farxad ayay noo tahay in aan mar kale wadankeena ku noqono Isniinta soo socota” ayuu yiri mid kamid ah eedeysanayaasha

“Haa waa faraxsannahay maanta, maxaa yeelay qunsulkeena ayaa nala jooga, intii aan xabsiyada wadankaan ku jirnay dhibaatooyin kala duwan ayaan la kullanay, safaaradda waxaan ka codsaneynaa in ay si aad ah nooga caawiso bixitaankeena iyo wixii aan gacan qabsi ka dhigan laheydn markaan Muqdisho tagno” ayuu isna yiri qof kale oo kamid ah maxaabiista xukunnada dhamaystay.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) ayaa dhankiisa xusay in ay aad ugu faraxsanyihiin booqashada ay ugu yimaadeen maxaabiistan dhameystay xukunnada xabisga 7 da sano ah, isagoo hoosta ka xariiqay in ay u diyaariyeen waraaqaha dib ugu noqoshada wadankooda Soomaaliya.

“Sharaf weyn ayay inoo tahay in aan maanta soo booqano maxaabiistan Soomaaliyeed oo tiro ahaan dhan 7 , waxaan u diyaarinay waraaqaha GO-home ka, arrintooda waxaa nagala shaqeeyay qaar kamid ah hay’adaha UN-ka, hadda ka horna dhowr mar ayaan ku booqannay xabsiyada wadanka Kenya, deeq yar oo dhar ah ayaan u keennay si aan ugu dhiiri gellino, kuwa kale ee weli xabsiyada ku jira iyagana waan ka war heyn doonnaa” ayuu yiri qunsul Cali Maxamed Sheekh

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa inta badan deeqo kala duwan oo dhiirri gelin ah u qeybisa qaar kamid ah maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada wadanka Kenya, iyadoo ay arrintaasina ku farxaan.

tgd tfd mjn hgf bvc

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ciidamo tababar ugu soo xiray degmada Cabuudwaaq SAWIRO

Next Post

Kulunka dowladaha hoose ee maamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo-(Sawirro)

Next Post
Kulunka dowladaha hoose ee maamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo-(Sawirro)

Kulunka dowladaha hoose ee maamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo-(Sawirro)

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In