Guddoomiyaha Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee dalka Sweden ayaa sheegtay in xarun wax lagu baro caruurta agoonta ah ay ka hirgeliyeen Muqdisho, iminkana ay wadaan qodista ceelal hor leh oo laga hirgelinayo gobollada Baay iyo Shabeellaha Dhexe.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee dalka Sweden Nasro Xasan Cali oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in ay wax u qabtaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku noolyihiin, isla markaana Muqdisho ay ka hirgeliyeen xarun wax lagu baro carruurta agoonta ah.
Nasro ayaa sheegtay in wax yaabaha ay qabtaan ay ka mid tahay ka qeyb qaadashada dhismaha xarumaha Cibaadada iyo gurmad u fidinta dadka dhibaateysan, iyagoo xustay inay jiraan ceel iyo xarumo kale oo ay goordhaw ka hirgelin doonaan meelo ka baxsan gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee dalka Sweden Nasro Xasan Cali ayaa sheegtay in carruurta soo galootiga ku ah dalka Sweden ay ka caawiyaan baridda luuqadda iyo u fududeynta waxyaabaha lagama maar maanka ah ee ay u baahanyihiin.
Nasro Xasan Cali ayaa ugu dambeytii sheegtay inay hiigsanayso hadaf weyn oo ah sidii bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan meelkasta oo ay joogaan ay wax ugu qaban lahaayeen, ayna qorsheynayaan xarumo hor leh oo loogu adeegayo bulshada oo ay ka hirgelin doonaan dalka.