Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaraddaha difaaca ee dalalk Soomaaliya iyo Turkiga oo Kulan yeeshay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaraddaha difaaca ee dalalk Soomaaliya iyo Turkiga oo Kulan yeeshay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Cabdalla Xuseen Cali wasiir kuxigeenka difaaca Soomaaliya  oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga kadib casuumaad rasmi ah uu ka heley madaxda dalkaasi ayaa lakulmay dhiggiisa dalkaasi ayagoo ka wada hadlay xoojinta ilaaqaadka ka dhexeya labada wasaaradooda ee ku qotoma dhanka gaashaandhigga.

Kulanka oo mudo saacado ah qaataya kana dhacaya xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee dalkaasi Turkiga  oo ku taala magaalada Ankara  ee caasimadda dalkaasi Turkiga ayaa siweyn loogu gorfeeyeey sida ugu haboon oo kor loogu qaadikaro wadashaqeynta iskaashiga labada wasaaradd.

Related posts

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026

Qodobada ugu muhiiimsan oo mas’uuliyiinta labada wasaaraddood ee gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala ah Dhameystirka dhismaha Akademiyada ciidanka xooga dalka ee Jasiira, warshada loogu talagalay in lagu tolo dharka askarta oo qeybo kamid ah horey Muqdisho loo keeney, qorshe lagu tayeynayo qeybaha ay ka kooban tahay wasaraadda gaashaandhigga Soomaaliya, iyo kordhinta taageeradii Turkiga uu siin jiray ciidanka xooga dalka iyo guud ahaan wasaaradda.

Kulankaasi waxaa  gooj jog ka ahaa siihayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac)   iyo xubno kale oo  horey ugu soo dhaweeyey dalkaasi Turkiga wasiir kuxigeenk agaashaandhiga Soomaaliya sida uu qabo nidaamka caalamiga ah ee xagga diblomaasiyadda laxiriira.

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa kulankooda ku dhamaaday is afgarad iyo in la qaado talaabooyin lagu hirgelinayo howlahaasi.

Akedeemiyadda ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee Jasiira ayaa lafilaya in lafuro bilaha ugu horeeya ee sanadkan 2017, dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladda galaangalka xoogan ku leh taageeriidda dowladda Soomaaliya iyo shacabka, ayadoo lagu xusuusto, mashaariic horumarineed sida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarshada, arrimaha bani,aadanimada dib u hdiska iyo horumarinta nidaamka dowliga ah.

Waana dilkii ugu horeyeey oo dhaca qaaradda Yurub ka dhabeeyey hirgelinta duulimaad caalami ah oo si toos ah isagag kala goosha labada dal taasi oo u ifisay caalamka intiisa kale in Soomaaliya ay ka jirto aragti ka duwan middii laga qabay muddii 25 sano ahayd ee dalka uu burbursanaa.

IMG-20170117-WA0000 IMG-20170117-WA0002 IMG-20170117-WA0003 IMG-20170117-WA0001

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo xarun wax lagu baro agoonta ka hirgelisay Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In