Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen oo la kulmay Taliyaha amniga magaalada Cadan

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen oo la kulmay Taliyaha amniga magaalada Cadan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Yemen Cabdulaahi Xaashi Shuuriye ayaa kulan la qaatay Taliyaha amniga magaalada Cadan Shalaal Cali Shaa’ic.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii wada shaqeyn wanaagsan u dhex mari laheyd iyo amniga labada wadan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026

Cabdulaahi Xaashi Shuuriye ayaa ku amaanay Taliyaha doorkooda ku aadan inay xasiliyaan Magaalada Cadan oo hada si ku meel gaar u ah caasimada dalka Yemen, wuxuuna ka codsaday Safaaradooda in wada shaqeyn dhow ay la yeeshaan Taliska amniga si ahmiyad gaara loo siiyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sheegay in ay kala shaqeyn doonaan ciidamada amniga sidii looga hortagi lahaa tahriibka, isagoo u sheegay Taliyaha in dowlada Soomaaliya ay wado qorsho lagu hormarinayo dalka, kaas oo suurta galin doona in shaqooyin badan loo abuuro Dhalinyarada si ay uga baaqsadaan Tahriibka.

Taliyaha amniga magaalada Cadan Shalaal Cali Shaa’ic ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay Safiirka, isagoo sheegay Amniga Magaalada Cadan inuu ku xiran yahay Dalalka ay deriska la yihin oo Soomaaliya ay ka mid tahay, sidaas darteed ay waajib ku tahay labada dowladood inay ka wada shaqeeyaan amniga.

Taliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya iyo Yemen ay yihiin labada dal oo aan kala maarmin sidaas darteed la doonayo in ay ilaaliyaan nabad galyada marin biyoodka ka dhaxeeya, lagana hortago qataraha ka dhalanaya Tahriibka, Hubka sharci darada iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Previous Post

Wafdi ka socoda Galmudug oo tagay Xeraale

Next Post

Wasiirka Gaadiidka: ”Muqdisho ayaa laga maamulayaa hawada Soomaaliya October dhamaadkeeda”

Next Post
Wasiirka Gaadiidka: ”Muqdisho ayaa laga maamulayaa hawada Soomaaliya October dhamaadkeeda”

Wasiirka Gaadiidka: ”Muqdisho ayaa laga maamulayaa hawada Soomaaliya October dhamaadkeeda”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka Gugga(Spring Meetings)oo lagu qabtay magaalada Washington....

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool degmada Raaga Ceelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In