Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bahda Waxbarashada Soomaaliya oo soo Dhaweysay Hanaanka ay Dowlada kula wareegeyso Iskuuladii waaweyna ee Dalka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Bahda Waxbarashada Soomaaliya oo soo Dhaweysay Hanaanka ay Dowlada kula wareegeyso Iskuuladii waaweyna ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhamaan bahada waxbarashada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeysay Talaabada ay Dowladda  kula wareegeyso Qaar ka mid ah Iskuulada waa weyn ee waxbarashada Dalka udub dhexaadka u ahaa.

Mid ka mida Macalimiinta Wax ka dhiga Iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sharaxaya Faa’iidooyinka ku jira in Dowlada ay la wareegto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Anigoo ka mid ah Macalimiinta Iskuulka Raage Ugaas waxaan aad iyo aad usoo dhaweynayaa in Dowlada ay la wareegtay ilaa iyo hada Toban Iskuul, inay Dowlada la wareegto ama la Midowdo Iskuuladaasi waxaa ku jira faa’iidooyin waa weyn waxaa ka mid ah in lasoo saaro Arday Tayo leh oo Dowladana ay ka warheyso Tayadooda”.

Qaar ka mid ah Ardayda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay Talaabooyinka Hormarka u ah Waxbarashada oo Dowlada Federaalka ay wado, iyagoo ku tilmaamay guul usoo hoyatay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed in Dowlada ay gacanta ku dhigto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

Maamulka Iskuulka Raage Ugaas oo sidoo kale nala hadlay ayaa Talaabadan Dowlada qaaday ku tilmaamay mid wanaagsan, iyagoona sheegay inay raali ka yihiin in Dowlada ay la wareegto.

“Arintaas way wanagsan tahay aniga waxaan wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowlada ka dibna jaamacadii Umadda oo Lacag la’aan aheyd, waxaan ka mid ahay dadka wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowliga diyaar ayaana u nahay inaan la shaqeyno Dowladeena”.sidaas waxaa yiri Maamulaha Iskuulka Raage Ugaas Cabdi raxmaan Maxamuud Cali

Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaan iskuullada Dowladda u qeybisay Buugaagta Manhajka  ee dhawaan ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Previous Post

Taxanaha Tacliinta Soomaaliya (Qeybtii) 2-aad

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In