Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

FBI oo Sheegtay in Russia iyo Iran Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
October 22, 2020
in Wararka
0
FBI oo Sheegtay in Russia iyo Iran Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska dambi baarista gudaha Mareykanka ee FBI ayaa sheegay in ay hayaan warar sheegaya in saraakiil Iran iyo Ruush ahi ay ku lug yeelan doonaan doorashada Mareykanka, sida uu sheegay agaasimaha hey’addaas.

John Ratcliffe ayaa sheegay in saraakiil Amerikaan ah heleen xog ku aadan in hanaanka diiwaan gelinta doorashada Mareykanka heystaan sirdoonka Russia iyo Iran, xilli doorashada Mareykanka  ka harsan tahay 13 maalin oo keli ah.

Related posts

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

September 14, 2025
Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

September 14, 2025

Arrintan ayaa muujinaysa sida dowladda Mareykanka ugu walaacsan tahay in faragelin lagu sameeyo doorashada isla markaana door ku yeeshaan hey’addo ajnabi ah.

Mr. Ratcliffe, waxaa uu sheegay in sirdoonka Iran oo magaca kale huwan ay Emailo u soo direen codbixiyeyaasha Dimoqraadiga ayagoo abuureya xiisad iyo waxyeeleynta madaxweyne Trump. Isagoo intaas ku daray in xogta codbixinta oo la been abuuray loo ekeysiinayo mid sax ah isla markaana xaalad jahwereer ah keenaysa, taas oo hor seedi karta kalsooni la’aan ku timaada hanaanka dimoqraadiyadda Mareykanka.

Agaasime Ratcliffe, ayaa sidoo kale sheegay in uusan arag saraakiil sirdoonka Russia ka tirsan, laakiin uu aamisan yahay in ay hayaan macluumaadka doorashada Mareykanka ku saabsan.

Gobolo badan oo Mareykanka ah ayaa xogta codbixiyaha la heli karaa, waxaana suurtagal ah in hey’addaha sirdoonka shisheeye ka faa’ideystaan.

“Haddii Emailkaaga ka hesho fariin cabsi gelin ah haka nixin isla markaana ha faafin,” Mr Ratcliffe  ayaa sidaa yiri.

Si kastaba, Saraakiisha sirdoonka Mareykanka waxay sheegeen in hanaanka doorashada Mareykanka uu yahay mid sugan oo lagu kalsoonaan karo.

Saraakiisha sidoo kale, ma sheegin sida xogtan lagu heley iyo waxa dowladda Russia ka damacsan tahay faragelinta doorashada Mareykanka.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in 2016 Kremlin uu farageliyay doorashada Mareykanka ka dib markii loo dhacay xogaha doorashada Mareykanka lana carqaladeeyay murashaxnimada Hillary Clinton. Hase yeeshee Iran wali uma suurtagalin in ay xadaan xogaha doorashada Mareykanka.

Previous Post

Trump iyo Obama oo ay Kaga Dhex Tolantay Doorashada Mareykanka

Next Post

Marwada 1 aad ee dalka iyo RW ku xigeenka oo la kulmay Madaxweyne Uganda +Sawirro

Next Post
Marwada 1 aad ee dalka iyo RW ku xigeenka oo la kulmay Madaxweyne Uganda +Sawirro

Marwada 1 aad ee dalka iyo RW ku xigeenka oo la kulmay Madaxweyne Uganda +Sawirro

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MARKA):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta deegaanka Shalambood oo hoos yimaada, degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa...

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Joogtada ah ee UNDP...

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD:- Ciidanka xoogga dalka ayaa howlagal gaar ah ka fuliyay deegaanada hoostago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud,halkaas oo wali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In