Monday, July 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo soo saaray markab dagaal oo noociisa horey loo arag

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
December 17, 2020
in Wararka
0
Turkiga oo soo saaray markab dagaal oo noociisa horey loo arag
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay daaha ka qaadaysa nooc cusub oo gaadiid gaashaaman oo badda ah kaas isaga is wada, markabkan loo yaqaano SIDA wuxuu yeelan doonta garaad maskaxeed macmal ah.

Doonta waxaa farsameeyay labo shirkadood oo Turki ah oo  lagu kala magacaabo Ares Shipyard iyo Meteksan, bisha soo socota ayay howlgali doontaa sida qorshuhu yahay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025

Khubarada gacanta ku haya farsamada markabkan cusub ayaa sheegay in bisha Maarso la tijaabin doono gentaalada ku rakiban markabkan isaga is- wada, sida uu sheegay maamulaha shirkadda Ares Shipyard Mr. Utku Alanc.

Markabkan ayaa la filayaa in door weyn uu ka ciyaari doono difaaca dhanka xeebaha badda Mediterranean oo Turkiga isku hayaan dalalka Giriiga iyo France.

Awooda markabka loo yaqaano  SIDA

Markabka SIDA wuxuu dhererkiisu gaarayaa 400-kilometre- isagoo saacaddii jaraya masaafo dhan  65km. Waxaa ku xiran qalab isgaarsiin oo awood u siinaya in si isku mid ah u howlgalo habeen iyo maalin.

Markabkan waxaa loo farsameeyay qaab casri ah waxaa laga maamulayaa saldhigga barriga ama dhulka, waa gaadiid guur guura oo biyaha sabeynaya, sida maraakiibta waa weyn ee xambaara diyaaradaha.

Markabka SIDA waxaa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa howlgalada, badda, kuwa kooxaha burcadda dhanka ah, gelbinta gaadiidka badda, difaaca  iyo ilaalinta xarumaha istiraatijiga ah,  sirdoonka iyo arrimo kale.

“SIDA wuxuu leeyahay qalab electoronic ah oo dagaalka loo adeegsano. Sidoo kale wuxuu leeyahay qalab ku damin karo isgaarsiinta GPS loo yaqaano oo sheegta Meesha sheyga ama qofka uu joogo ,” Erdal Torun, oo ah madaxweyne ku xigeenka shirkadda qalabka difaaca soo saarta ee Keteksan ayaa sidaa yiri.

Markabkan waxaa ku rakiban gentaalada gudaha Turkiga lagu sameeyay oo lagu hagayo qalabka casriga ah ee Laserka ah sideed KM ayuu bartilmaameedkiisu ka beegsan karaa.

Ahmiyadda uu leeyahay Markabka SIDA

Markabkan isaga is-wada waxaa loogu talagalay in Turkiga ku ilaaliyo danahiisa badda Mediterranean oo xilligan Ankara ahmiyad weyn siiso.

Maamule Alanc ayaa SIDA ku sifeeyay hub aan caadi aheyn oo maraakiibta kale ka wanaagsan, mana jiro tusaale isaga oo kale ah oo maanta dunida yaala.

Waa awood militiri oo loo adeegsan karo khilaafaadka dhanka badaha isagoo lamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dhowaan Turkiga soo saaray oo UAV loo yaqaano oo kaga dagaal galay gudaha Suuriya.

Previous Post

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka warbixiyay taariikhda soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul wasaaraha oo la kumay odayaash dhaqanka Caabudwaaq +Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaaraha oo la kumay odayaash dhaqanka Caabudwaaq +Sawirro

Ra'iisul wasaaraha oo la kumay odayaash dhaqanka Caabudwaaq +Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta...

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay Dhismaha cusub...

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 06-JULY-2025- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beene-Beene) ayaa maanta waxa uu  daahfuray daraasaad ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In