Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shil gaari oo dhimasho badan sababay oo ka dhacay Hindiya

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Shil gaari oo dhimasho badan sababay oo ka dhacay Hindiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yeraan 18 qof oo shaqaale muhaajiriin ah ayaa dhimatay ka dib markii  gaari weyn jiirey rakaab la socday bas marayay gobolka waqooyiga India ku yaala ee Uttar Pradesh.

Masaafarada socdaalkooda oo aheyd 1,300km ayaa ka soo bilaabatay magaalada Haryana ayagoo ku sii jeeday xarunta gobolka ee Bihar, shilka ayaana ka dhacay degmada Barabanki.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

Shilka ayaa dhacay saacadihii hore ee Arbacadan maanta ah, qaar kamaid ah shaqaalaha ku dhex jirey Baska halka kuwa kalena  jiifeen gaariga gedaashiisa xilliga shilka uu dhacayay.

Yamuna Prasad oo ah kormeere guud oo ka tirsan booliiska degmada Barabanki, ayaa BBC u sheegay in gaariga lagu soo raray wax ka badan tankiisa.

Wadaha gaariga Baska ah, ayaa isku dayay in uu hagaajiyo cilad ku timid gaariga, hase ahaatee waxaa si lama filaan ah u dul-maray gaari weyn, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

“Waa shil nasiib daro ah. Buska waxaa la soo saaray 140 qof iyadoo 65 qof oo kali ah loogu talagalay. Waxaan qiimeynaynaa xaaladda qoysaska,” ayuu yiri.

Mr Prasad waxaa uu intaas ku daray, in Buska uusan laheyd dariishad ama daaqad, sababtoo ah waxaa uu lahaa qaboojiye taas oo keentay, in qaar kamid ah rakaabka waddada bartankeeda jiifsadaan.

Ugu yeraan, 30 kamid ah rakaabka oo qaarkood dhaawacyo halis ah qaba ayaa lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Barabanki.

Ra’isul wasaaraha dalka India, Narendra Modi ayaa Twitter ugu tacsiyeeyay ehelada dadka mashaqada ku hab-satay, isagoo balan qaaday in 200,000 rupee oo u dhiganta 2,686 oo dollar oo mag-dhow ah la siin doono qoysaska dadka dhintay halka kuwa dhaawacmay heli  doono 50,000 rupee oo lacagta India ah.

Dadka ka soo jeeda magaalada Bihar, waxay badanaa aadaan gobolada hodanka ah oo ay kamid yihiin Haryana iyo Delhi si shaqooyin ugu helaan halkaas.

Shaqaalaha muhaajiriinta ah waxay badanaa isticmaalaan tareenno iyo basas, oo ah hab raqiis ah oo laga adeegsado Hindiya, si ay guryahooda ugu laabtaan markay ka nasanayaan ​​shaqooyinka.

Previous Post

Isbitaalka Martini oo markale loo asteeyay la tacaalidda dadka uu soo ridanayo COVID-19

Next Post

Mareykanka oo Hindiya kala hadlaya hagaajinta xuquuqda aadanaha

Next Post
Mareykanka oo Hindiya kala hadlaya hagaajinta xuquuqda aadanaha

Mareykanka oo Hindiya kala hadlaya hagaajinta xuquuqda aadanaha

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In