Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Danjiraha Turkiga oo sheegay in dib loo bilaabayo howlihii ay qaban jirtay hey’adda Nile+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Danjiraha Turkiga oo sheegay in dib loo bilaabayo howlihii ay qaban jirtay hey’adda Nile+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Turkiga ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen walaalooda Turkiga kaddib inqilaabkii dhicisoobay ee laba todobaad ka hor ka dhacay dalkaasi.

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay shaqaalaha hey’adda Nile, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay ka wada shaqeeyeen labada dowladood ee Turkiga ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026

Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in dugsiyadii waxbarashada ee ay maamuli jirtay hey’adda Nile dib loo furi doono bisha Augost, isagoo ugu laabqaboojiyay ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyadaasi ineysan ka welwelin waxbarashadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in bukaannada ku jira Isbitaalka Deva loo wareejiyay isbitaalka  Rajeb Dayip Erdogan Ex Digfeer, wuxuuna ballanqaaday in dhawaan dib loo howlgelindoono Isbitaalka Deva.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa taageerada ay noo muujiyeen, iyo dibadbaxyada ay ku diidayeen inqilaabkii dhicisoobay, taasina waxey muujineysaa in xiriir qoto dheer uu u dhexeeyo labada dal” ayuu yiri Danjire  Olgan Bekar.

Danjiraha ayaa soo hadalqaaday dadaallada ay dowladdiisu ugu jirto iney miradhal noqdaan wadahadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland.

“Soomaaliya waxaan ku eegnaa hal waji mana aqoonsanin baasaboorka maamulka Soomaaliland, Fiisooyinkana waxaan ku siinaa warqado, baasaboorkaasina wuxuu agteena ka yahay teestaro aqoonsi oo kale ah” ayuu yiri Danjiraha Turkiga.

Wuxuu tibaaxay in maamulka Soomaaliland ay ka codsadeen iney joojiyaan howlihii hey’adda Nile ay ka heysay halkaasi, isagoo caddeeyay ineysan weli ka helin wax jawaab ah.

DSCN2592 DSCN2590 DSCN2587 DSCN2583 DSCN2578

Previous Post

Maareeye “Guddiga Doorashooyinka ayaa keenaya qorshaha ugu danbeeya ee Doorashooyinka”

Next Post

Ciidanka Kumandooska Danab oo burburiyay fariisin ay Shabaab ku lahaayeen degaan ka tirsan gobolka J/Hoose

Next Post
Ciidanka Kumandooska Danab oo burburiyay fariisin ay Shabaab ku lahaayeen degaan ka tirsan gobolka J/Hoose

Ciidanka Kumandooska Danab oo burburiyay fariisin ay Shabaab ku lahaayeen degaan ka tirsan gobolka J/Hoose

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In