Gudaha Gegida dayuuradaha ee magaalada Xalab, ee dhaca waqooyi-galbeed ee Suuriya, ayaa barqanimadii maanta waxaa laga maqlay diryanka dhawr Madfac oo is xig xiga.
Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay Ciidamada Israa’iil la beegsadeen Garoonka caalamiga ah ee magaalada Xalab, wararka ayaa intaa ku daraya in gudaha Garoonka ay ku dhaceen illaa Afar Gantaal oo sida la sheegay kaga yimid dhanka galbeed.
Duqeyntan ayaa ku soo beegmeysa laba toddobaad kadib markii weerar Madafiic ah lagu qaaday isla Garoonkan, duqeyntaasi oo sababtay burbur agab uu lahaa Garoonka.
Israa’iil ayaa dhowr jeer duqeymo kala duwan la beegsatay Garoonka Xalab, taasi oo keentay in Garoonkan uu si joogta ah u sheqeyn waayo.