JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED
Tartan jagooyin bannaan
Waxay jaamacadda ummaddu u soo bandhigaysaa dhamaan Ummaadda soomaaliyeed tartan
furan oo loo galayo jagooyin ka bannaan jaamacada ummadda Soomaaliyeed.waxayna kala
yihiin sidatan hoos ku qoran.
SHURUUDAHA LOOGA BAAHAN YAHAY HORMUUDKA KULLIYADDA ENGINEERIYADA:
- Waa inuu yahay ugu yaraan Master degree of engineering (Civil, electrical and mechanical engineering)
- Waa inuu leeyahay khibrad maamul ugu yaraan 3 sano
- Waa inuu soo noqday bare jaamacadeed, leeyahayna 5 sano oo khibrad ah
- Waa inuu luqadda Englishka si fiican u yaqaan ku hadal, qoraal iyo akhrisba
- Waa in aysan da,diisu ka yareyn 35 sano
- Waa inuu leeyahay dad la shaqeyn (team worker)
- Waa inuu ku fiican yahay isticmaalka computerka
- Waa in uusan laheyn wax balwad ah
SHURUUDAHA LAGA DOONAYO KAALIYAHA XAFIISKA REKTARKA
- Waa inuu yahay ugu yaraan bachelor of administration (BA)
- Waa inuu si fiican u yaqaan luqadaha (Ingiriisiga iyo Carabiga & Somaliga) ku hadal ,
- Qoraal, iyo akhrisba,
- Waa inuu aad ugu fiican yahay isticmaalka Computerka
- Waa in aysan da,diisu ka yaraan 25 sano
- Waa inuu leeyahay khibrad shaqo ugu yaraan 2 sano oo aqoontiisa la xariirta
- Waa in uusan laheyn wax balwad ah
- Waa inuu ku fiican yahay ilaalinta waqtiga
- Waa inuu leeyahay dad la shaqeyn(Team worker)
NB: Araaji qabashadu waxaay bilabaneysaa 21/08/2016–27/08/2016
Wixii faah faahin ah lasoo xiriir Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Columbia Rd Xamar
Weyne, Muqdisho Soomaaliya
Email:[email protected] /[email protected]
Tel: + (2521)866003 Mobile: +252615510155 +252616487318,