Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 months ago
in Wararka
0
Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

koofurgalbeed, waxaa ka socda hardan dimuquraadi ah oo aad u xoog badan kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka isku sidkan.

 

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Waxaa joogaa Siyaasiyiin iska soo horjeeda, waxaa jooga dhamaan Ururada Siyaasadeed ee diiwaan gashan, waxaa jooga taageerayaal ka kala yimid Soomaaliya oo dhan oo kala taageeraya tartamayaasha.

 

Qof iyo koox kasta si aan cabsi lahayn ayuu u ololaynayaa una taageerayaa cidda uu doono.

 

Baydhabo, Hoteelada iyo Xaafadaha waa mashquul waxaana meelkasta ka socda shirar iyo abaabul iska soo horjeeda oo nabad ah.

 

Rajo cadaaladeed, sinaan iyo xorriyad ayay dareemayaan dhinacyada oo dhan.

 

Majirto koox Siyaasadeed oo afkaar iyo aragti ay qabto uga maqan Baydhabo ama xitaa aan qayb ka ahayn hardanka Siyaasiga ah ee socda.

 

Qaar badan oo ka mid ah Siyaasiyiinta isku kooxaha ah ama kala kooxaha ah ee Baydhabo wada jooga wax ka yar Labo bil ka hor Qoryo ayay isku siteen ismana salaamaynin haddii ay iska soo hor baxaan balse Maanta si nabad ah, Xorna ah ayay kuraasta ugu tartamayaan.

 

Dhacdooyinka Koofurgalbeed, waxeey dirayaan dhawr fariimood.

 

1- waxa ay si cad u muujinayaan nooca Doorasho ee muddo dheer Dawladdu ay Dadka Soomaaliyeed u balanqaadaysay.

 

2- waxa ay beeninayaan doodihii kuwa mucaaradsan Dawladda ee isku dayayay in ay marin habaabiyaan bulshada, Dawladana sumcad xumeeyaan.

 

3- waxa ay rajo iyo yididiilo galinayaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee dib u helaya xuquuqdooda ah in ay iyagu go’aamiyaan Mustaqbalkooda.

 

4- waxa ay fursad iyo rajo siinayaan dhamaan Siyaasiyiinta danaynaya in ay kartidooda ku tartamaan si ay talada Dalka uga qayb galaan.

 

5- waxa ay cuqdada iyo cabsida ka saarayaan Dadka isku deegaanka ah balse kala aragtida ah kuwaaas oo horay ugu soo joogay in aragtidooda darteed loo xiray ama loo xannibay.

 

FG: Sawirada ku lifaaqan halkaan hoose, waxaa ka muuqda qaar ka mid ah Musharaxiinta Xilka Hogaamiyaha Koofurgalbeed kuwaas oo ah Labeenta deegaanka, waxaa kale oo ka muuqda hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha Ururada Siyaasadeed ee diiwanagashan kuwaas oo kala taageeraya Musharixiinta tartamaya.

 

Dalkeenna, rajo iyo iftiin ayaa ka hor muuqda, Amniga ayaa soo hagaagaya, Dhaqaalaha ayaa dhismaya, Sumcadda Dawladda ayaa sare u kacaysa, talada ayaa Shacabka u dhawaanaysa.

 

Waxaan muddanahay dhamaanteen in aan horay u socono, Alle ku tiirsano, cabsida yarayno, kalsoonina ku hawlgalno.

 

Alle ayaa leh mahad oo dhan.

 

.

Previous Post

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In