Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Naadiga Dekadaha oo guul muhiim ah ka gaartay dhigooda Alzamala ee dalka Sudan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Naadiga Dekadaha oo guul muhiim ah ka gaartay dhigooda Alzamala ee dalka Sudan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda kubadda cagta Dekadaha FC oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka CAF ayaa la cayaartay kooxda Alzamala Sports Club oo ka socota dalka Sudan kulan aad u xiiso badnaa op ka dhacay Yaayo National Stadium magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cayaarta ayaa waxa u soo daawasho tegay dadweyne oo aad u fara badan oo ka kala yimid xafahdaha kaka duwan ee magaalada Nairobi iyo dalka dibadisa, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo taageerayaasha uga mahadceliyay imaantankooda iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Naadiga,

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Qeybta hore ee cayaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0, iyadoo xidiggaha Naadiga Dekadaha ay iska lumiyeen fursado muhim ahaa.

Markii la isku soo laabtay qeybta 2aad ee cayaarta ayaa Naadiga Dekadaha waxa ay la timid goollka guusha oo uu shabaqa ku hubsaday kabtanka Naadiga Aweys Aadan Iimaan oo loo yaqaan Xaaji,. Waxaana is qabsaday dabaal-dag iyo sawaxan, sidaas ayayna dekadaha ku bilowdeen tartanka guul muhiim ah.

Axmed Maxamed Cali Axmed Taajr oo cayaarta uga yimid dalka Ireland si uu u daawado kulanka ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsanyahay guushan, isagoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ka dalbaday inay ilgaar ah ku eegaan tababaraha Naadiga Dekadaha.

Aweys Aadan Iimaan Xaaji oo ah kabtanka Naadiga Dekadaha iyo Tababaraha Naadiga Dekadaha  Cabdiraxmaan Xaashi Xuseen oo si wadajir ah uga hadlay guushan taariikhiga ah ayaa talaabadan ku tilmaamay mid u soo hooyatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Naadiga Dekadaha Yaxye Sheekh Nuur ayaa cayaartooyda ka dalbaday inaysan is dhigan, maadaama ay u harsantahay lugta 2aad oo la cayaari doono Sabtida soo socota, loogana baahanyahay inay dadaal intan ka badan ay muujiyaan.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur America oo dhiirigelin ahaan uga soo qeybgalay kulanka ayaa ugu hambalyeeyay guusha ay soo hooyeen xidigaha Naadiga Dekadaha, kana codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed inay garab istaagaan Naadiga Dekadaha.

“Waa guul taariikhi ah oo u soo hooyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, Jaaliyadda waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab istaageen cayaartooyda, waxaana ka rabnaa inay kulanka labaad garoonka soo xaadiraan”. Ayuu yiri Danjire Ameeriko.

Mareeye Maxamed Cali Ameeriko ayaa xusay in xidigaha Naadiga Dekadaha la gudoonsiinayo abaalmarin, maadaama uu u balanqaaday abaalmarinta kahor cayaartii maanta.

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalaya Kalfadhiga 80aad Ee Golaha Guud Qaramada Midoobay

Next Post

Hay’adda SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu qeybinayo Timir

Next Post
Hay’adda SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu qeybinayo Timir

Hay’adda SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu qeybinayo Timir

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In