Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Naadiga Dekadaha oo guul muhiim ah ka gaartay dhigooda Alzamala ee dalka Sudan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Naadiga Dekadaha oo guul muhiim ah ka gaartay dhigooda Alzamala ee dalka Sudan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda kubadda cagta Dekadaha FC oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka CAF ayaa la cayaartay kooxda Alzamala Sports Club oo ka socota dalka Sudan kulan aad u xiiso badnaa op ka dhacay Yaayo National Stadium magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cayaarta ayaa waxa u soo daawasho tegay dadweyne oo aad u fara badan oo ka kala yimid xafahdaha kaka duwan ee magaalada Nairobi iyo dalka dibadisa, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo taageerayaasha uga mahadceliyay imaantankooda iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Naadiga,

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Qeybta hore ee cayaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0, iyadoo xidiggaha Naadiga Dekadaha ay iska lumiyeen fursado muhim ahaa.

Markii la isku soo laabtay qeybta 2aad ee cayaarta ayaa Naadiga Dekadaha waxa ay la timid goollka guusha oo uu shabaqa ku hubsaday kabtanka Naadiga Aweys Aadan Iimaan oo loo yaqaan Xaaji,. Waxaana is qabsaday dabaal-dag iyo sawaxan, sidaas ayayna dekadaha ku bilowdeen tartanka guul muhiim ah.

Axmed Maxamed Cali Axmed Taajr oo cayaarta uga yimid dalka Ireland si uu u daawado kulanka ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsanyahay guushan, isagoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ka dalbaday inay ilgaar ah ku eegaan tababaraha Naadiga Dekadaha.

Aweys Aadan Iimaan Xaaji oo ah kabtanka Naadiga Dekadaha iyo Tababaraha Naadiga Dekadaha  Cabdiraxmaan Xaashi Xuseen oo si wadajir ah uga hadlay guushan taariikhiga ah ayaa talaabadan ku tilmaamay mid u soo hooyatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Naadiga Dekadaha Yaxye Sheekh Nuur ayaa cayaartooyda ka dalbaday inaysan is dhigan, maadaama ay u harsantahay lugta 2aad oo la cayaari doono Sabtida soo socota, loogana baahanyahay inay dadaal intan ka badan ay muujiyaan.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur America oo dhiirigelin ahaan uga soo qeybgalay kulanka ayaa ugu hambalyeeyay guusha ay soo hooyeen xidigaha Naadiga Dekadaha, kana codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed inay garab istaagaan Naadiga Dekadaha.

“Waa guul taariikhi ah oo u soo hooyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, Jaaliyadda waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab istaageen cayaartooyda, waxaana ka rabnaa inay kulanka labaad garoonka soo xaadiraan”. Ayuu yiri Danjire Ameeriko.

Mareeye Maxamed Cali Ameeriko ayaa xusay in xidigaha Naadiga Dekadaha la gudoonsiinayo abaalmarin, maadaama uu u balanqaaday abaalmarinta kahor cayaartii maanta.

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalaya Kalfadhiga 80aad Ee Golaha Guud Qaramada Midoobay

Next Post

Hay’adda SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu qeybinayo Timir

Next Post
Hay’adda SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu qeybinayo Timir

Hay’adda SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu qeybinayo Timir

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In