Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga Galmudug, La dagaallanka argagixisada, dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug.