Shirkan wada tashiga ay soo qaban qaabisay wasaaradda Batrolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo dhexmaray wasaaradaha heer Federaal , kuwa dowlada goboleed iyo gobolka Banaadir.
Ajandaha shirka lagu gorfeeyey waxaa kamid ah in si buxda looga wada shaqeeyo arrimaha hortabinta u leh wasaaradda Batroolka iyo Macdanta,ayna kamid yihiin dhameystirka sharciga Macdanta iyo xeer nidaamiyeyaasha dareeraha hoose iyo kan hay’adda Batroolka oo muhiimad weyn u leh dalka.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS mudane Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa wrbaahinta qaranka uga waramay faaiidada\ sharciyadaasi ay dalka u leeyihiin.
“Waxaan shir wada jir ah oo muhiim ah la yeelanay qaar ka mid ah Wasiirada,Agaasimayaasha wasaaradaha Batroolka iyo Macdanta dowladaha xubnaha ka ah DFS, Gobolka Banaadir, Maareeyaha iyo maareeye ku xigeenka Hay’adda Batroolka Soomaaliya.
Shirka oo intiisa badan aan diirada ku saarnay is xog waraysi wixii u qabsoomay, waxa aan qabsoomin, caqabadaha iyo qorshayaasha kala duwan ee u degsan dhinac yada kulmay ayaa gaba gabadii hoosta laga wada xariiqay in si buuxda loo wada shaqeeyo iyo dhamaystirka hawlaha horutabinta u leh Wasaaradda”. Ayuu yiri wasiir Hilaal.
Sharciyadan oo ay waddo wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa kamid ah shuruuc badan oo muhiim u ah dalka,kuwaasi oo horyaala hay’adda fulinta iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.