Sunday, July 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay hoggaanka Sare ee kooxda ASYAD

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay hoggaanka Sare ee kooxda ASYAD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Muscat ee Dalka Cumaan kula kulmay hoggaanka Sare ee kooxda ASYAD oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee ASYAD, Cumar bin Maxamuud Al-Mahrazi iyo masuuliyiin kale.

Shirkadda Asyad Group waa shirkad dowladeed oo laga leeyahay dalka Cuman, waxaana loo aas-aasay si ay u horumariso ganacsiga iyo isku xirka gaadiidka (logistics) ee dalkaas iyo caalamkaba.

Related posts

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

July 5, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

July 5, 2026

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray iskaashi ku saabsan horumarinta Dekadaha, saadka isku dhafan, iyo maalgashi la jaanqaadaya mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya.

Labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen fursado wax ku ool ah oo lagu kordhin karo waxqabadka dekadaha, laguna xoojin karo isku xirka ganacsiga, isla markaana looga faa’iidaysan karo awoodda badda ee Soomaaliya, iyada oo la tixgelinayo meesha istaraatiijiga ah ee ay kaga taallo isku xirka Badda Cas, Gacanka, iyo Bariga Afrika.

Kooxda ASYAD ayaa muujisay diyaar garow ay ku gelayso iskaashi farsamo iyo qaabab maalgashi oo nidaamsan.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Cumaan 

Next Post

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

Next Post
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

July 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

July 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiyaha SoDMA iyo mas’uuliyiin matalayay Hirshabeelle oo ka wada hadlay xaaladda deegannadii dagaal-beeleedyadu saameeyeen

Guddoomiyaha SoDMA iyo mas’uuliyiin matalayay Hirshabeelle oo ka wada hadlay xaaladda deegannadii dagaal-beeleedyadu saameeyeen

July 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

July 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In