Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.
Kursiga Koowaad ee tirsigiisu yahay Hop#099 ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Madoobe Nuunow oo ah Wasiirka Qorsneynta Koonfur Galbeed, wuxuuna helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabdinasir Ibraahim Aadan uu helay 25-cod.
Kursiga labaad ee Hop#168 ayaa waxaa ku guuleysatay Luul Ibraahim Cumar oo heshay 86-cod halka musharaxii la tartamaysay Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15-cod.
Kusriga xigay ee Seddexaad Hop#167 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdisalaan Cali Cabdi, isaga oo heley 74-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdi Maxamuud Maxamed uu heley 23-cod.
Kursiga Afaraad oo tirsigiisu yahay Hop#077 ayaa waxa ku guuleystay Maxamed Sheekh Cabdulaahi Ciirow oo ah Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13-cod, waxaana halaabay hal Cod.
Kursiga Shanaad ee Hop#186 ayaa waxaana ku guuleystay Cabduqaadir Cumar Macalin, isagoo heley codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabduqaadir Aadan Cali uu heley 25-cod, waxaana halaabay Hal cod.
Kursiga lixaad ee Hop#261 ayaa waxaana ku guuleystay Saalax Shariif Siid Cali, oo ah Wasiirka Diinta & Awqaafta Maamulka Koonfur Galbeed isaga oo helay codad gaaraya 90-cod halka Ismaciil Shariif Cali, oo la tartamayayna uu heley 10-cod, waxaana halaabay hal Cod.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan soo geba-gabeeyn doona doorashada Kuraasta golaha Shacabka, waxaanau harsan Toddoba Kursi oo lagu dooranayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.