Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 weeks ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka gaareen hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku adkeeyey inay sii laba-jibbaaraan dadaalladooda si dalka looga ciribtiro argagixisada. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda iyo diyaargarowgooda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo gudashada waajibaadkooda qaran si loo gaaro guulo waara.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalladu u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhinaca dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Safarkan ayaa ujeeddadiisu tahay dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha hore iyo xoojinta isku-duwidda hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Previous Post

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In